3273 Views

Shimbir Dad Ku Dilay Qeybo Ka Mid Ah Soomaaliya Kuwa Kalana Dhaawacay

Shimbir Dad Ku Dilay Qeybo Ka Mid Ah Soomaaliya Kuwa Kalana Dhaawacay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | September 12 2019 —Dadka ku nool degmada Gaashaamo ee gobolka Soomaaliya, Itoobiya ayaa sheegay in ay arkeen shimbir wayn oo loo maleynayo inuu gorgor yahay oo Caruurta qaadaya.

Hal canug ayaa dhintay laba kalena way ku dhaawacmeen weerarka uu shimbirkaas halista ah uu qaaday.

Maamulka waxay aaminsan yihiin in arrintan ay ugu wacantahay abaaraha ka jiray gobolka.

Muno Shuceyb waa hooyada dhashay mid ka mid ah carruurta dhaawacantay. Waxay BBC Somali u sheegtay in ay maqashay canuggeeda oo qeylinaya ka dibna ay dibadda u soo carartay.

Waxay tiri: “Waxaan maqalnay canugga oo aad u qeylinaya, guriga ayaanna orod uga soo baxnay. Waxaan arkay isagoo inanka dhulka ku haya oo afka ku garaacaya. Wuxuu ku qeylinayay ‘hooyo…hooyo’. Waan ku cararay waana ka fujiyay. Wuxuu ku hayay gacmaha oo dhulka ayuu ku baqtiinayay.”

 

Maxamed Xasan waa askeriga booliska ee qaabilsan nawaaxigaas, wuxuu BBc Somali u sheegay in askar badan ay geeyeen howdka, lana amray in la toogto gorgorkaas weerarka ah.

 

“Wallaahi, tan iyo dhacdadaas ka dib, waxaa jiro howlgal boolis oo socda. Askarta waxaa la geeyay meesha iyo keynta. Waxaa bixinay amar ah ah in la dilo balse weli wuu socdaa baadigoobka”. Ayuu yiri.

 

Xigasho BBC-Somalia

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment