222 Views

Taliska Ciidanka Xoogga dalka oo ka warbixiyay khasaaraha qarax lala beegsaday Xero Nacnac

Taliska Ciidanka Xoogga dalka oo ka warbixiyay khasaaraha qarax lala beegsaday Xero Nacnac
____________________________________________________________________________

Axad: NOVEMBER 6, 2022

Taliska Ciidanka Xoogga dalka ayaa faah-faahin ka bixiyay khasaaraha ka dhashay qarax uu fuliyay qof isku soo xiray walxaha qarxa oo beegsaday Xerada Gen. Dhega-badan (Xero Nacnac) Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir.

TaliyahaCiidanka Xoogga dalka Gen. Odowaa Yuusuf Raage ayaa sheegay in 5 ruux ay ku geeriyoodeen qaraxa halka ay dhaawacmeen 11 kale kaddib markii qof isku soo xiray walxaha qarxa uu ku qarxay Bannaanka Xerada Gen. Dhega-badan.

Sidoo kale Gen. Odowaa ayaa intaas ku daray in qofka is qarxiyay uu soo dhex galay Dhalinyaro loo xareynayay dhiboow si ay ugu biiraan Ciidanka Xoogga Dalka.

Taliye Odowaa ayaa sheegay in saraakiil katirsan Ciidanka Xoogga ay wadaan baaris ay ku raad-raacayaan qofka is qarxiyay si ay u helaan macluumaadkiisa.

Ugu dambeyn Taliyaha ayaa wacad ku maray in aanay joogsan doonin tababarka Dhalinyarada kamid noqoneysa Ciidamada Dowladda.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post