1227 Views

Booliiska oo ka hadlay Wariyeyaal lagu jir dilay Muqdisho

Booliiska oo ka hadlay Wariyeyaal lagu jir dilay Muqdisho
____________________________________________________________________________

.


khamiis: February 17, 2022

Taliska Ciidamada Booliiska Soomaaliya ayaa Raalli-gelin ka bixiyay fal jir dil ah oo ay maanta  Ciidamada Haramcad kula kaceen afar wariye, xilli ay ku sugnaayeen Saldhiga Booliiska ee degmada Kaxda ee Gobolka Banaadir.

Afhayeenka Ciidamada Booliiska, G/lle Cabdifitaax Aadan Xasan ayaa sheegay in la soo xiray Saraakiishii hoggaamineysay Ciidamadii ka dambeeyay falkaasi.

Afhayeenka ayaa sheegay in ay aad uga xun yihiin falkaasi, isaga oo Ciidamada uga digey in ay waxyeeleeyaan Wariyeyaasha wata howl maalmeedkooda.

Afar Wariye oo ka tirsan Telefishino Maxali ah ayaa maanta lagu jir-dilay meel u dhow saldhiga degmada Kaxda oo saacado uun ka hor ay dagaalemaaysa Al-shabaab ku soo qaadeen weerar ku billowday qarax, kaasi oo ay ka dhasheen khasaare dhimasho iyo dhaawac ah.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post