1050 Views

Ciidamada Dowladda oo howlgal ka sameeyay degaano ka tirsan G/Hiiraan

Ciidamada Dowladda oo howlgal ka sameeyay degaano ka tirsan G/Hiiraan
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL |  July 2, 2020Ciidamo ka tirsan kuwa Millateriga Soomaaliya gaar ahaan qeybta 27aad ayaa waxaa ay howlgallo kala duwan ka sameeyeen deegaano ka tirsan Gobolka Hiiraan oo mararka qaar ay weeraro ka fuliyaan Al-Shabaab.

Saraakiisha Ciidamada ayaa waxaa ay sheegeen in howlgalka ay ka sameeyeen inta u dhaxeysa degmooyinka Buulo Burde iyo Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan oo wadada u dhaxeysa dhowr jeer ay weeraro ka geysteen Al-Shabaab.

Howgalka ayaa saraakiisha hoggaamineysa waxaa ay sheegeen inay ku qab qabteen dad looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab,isla markaana dadkaasi ay baaritaan ku hayaan.

Degaano iyo degmooyin ka tirsan Gobolka Hiiraan ayaa waxaa Ciidamada Dowladda & kuwa Jabuuti ee ka tirsan AMISOM ay ka fuliyaan howlgallo kala duwan, iyada oo todobaadyadii la soo dhaafay weerar madaafiic ah lagu qaaday saldhiga Ciidamada Jabuuti ee Magaalada Beledweyne.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
_______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post