849 Views

Ra’iisul Wasaare Rooble Xafiiskiisa waxaa taalla Isbaaro” Cali C/llaahi Cosoble”

Ra’iisul Wasaare Rooble Xafiiskiisa waxaa taalla Isbaaro” Cali C/llaahi Cosoble”
____________________________________________________________________________


Mogadisho | QOL October 11 |  2020
—Madaxweynihii hore ee Maamulka Hir-Shabeelle Cali Cabdullaahi Coosble ayaa sheegay in Irida Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Cusub ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ay taallo Isbaaro lacag lagu qaado.

Qoraal uu soo dhigay Bartiisa Facebook ayuu sheegay in qof walba ee doonaya in uu la kulmo Ra’iisul Wasaaraha in laba kamid ah kuwa u qaabilsan protocolka ay dadka weeydiinayaan si loogu balamiyo lacag dhan $ 300 oo Dollar, arrintaasna uu isaga la kulmay.

“Raiisulwasaare Rooble wuxuu noqday raiisulwasaarihii ugu qaalisanaa ee soo mara Soomaaliya. Xafiiskiisa waxaa ka socota howl aan hubo inuusan war u heyn oo ah inaad laaluush bixiso si laguugu gudbiyo. Dacaayad igama aha oo si bareer ah ayaa aniga la ii weydiiyay. Laba ka mid ah kuwa protocolka u qaabilsan ayuu midba si gaar ah ii weydiyay inaan bixiyo lacag 300 dollar ah si la iigu sameeyo ballan official ah ayuu yiri” Cosoble.

Ugu dambeyn waxaa uu sheegay in uu hubo in arrintaasi uusan Ra’iisul Wasaaraha ka warqabin, isla markaana uu yahay fal laga xumaado,waxaana uu sheegay in sida kaliya ee lagu ogeeysiin karo ay tahay Facebook.


Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post