1005 Views

Weerar madaafiic ah oo lagu qaaday Saldhig Ciidan oo ku yaal Gobolka Gedo

Weerar madaafiic ah oo lagu qaaday Saldhig Ciidan oo ku yaal Gobolka Gedo
____________________________________________________________________________


Muqdisho | QOL | February 17 2021–
Wararka laga helayo gobolka Gedo ayaa sheegaya in Al-Shabaab ay weerar madaafiic ah ku qaadeen Saldhig Ciidamo ka tirsan kuwa Itoobiya ku leeyihiin degmada Baardheere ee Gobolkaasi Gedo.

Dadka degmada qaarkood ayaa sheegay inay maqlayeen dhawaqa madaafiicda oo qaarkood ku dhacayay agagaarka saldhiga Ciidamada Itoobiya, balse aysan shaacin khasaaraha ka dhashay.

Sidoo kale warraka la helay ayaa sheegaya in Ciidamada Itoobiya dhankooda ay Al-Shabaab ugu jawaabeen tiro madaafiic ah, kuwaas oo lag tuurayay Saldhiga Ciidamada Itoobiya ee degmada Baardheere.

Saraakiisha Ciidamada dowladda & Maamulka degmada Baardheere weli kama hadlin madaafiicdaas, hayeeshee Al-Shabaab oo sheegtay mas’uuliyada ayaa sheegay inay madaafiicda ku dhaceen gudaha Saldhiga, isla markaana ay ku gubteen qaar kamid ah teendhooyinka Ciidamada.

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya degmada Baardheere ayaa sheegaya in xaalada ay tahay mid degan, isla markaana Ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiya ay wadaan howlgallo lagu baadi goobayo dadkii ka dambeeyay weerarka hoobiyeyaasha ah.

xafiiska Wararka Qaranimo Online |
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post