963 Views

Jarmalka oo tallaabo aan la filayn u qaaday dhanka dagaalka Ukraine

Jarmalka oo tallaabo aan la filayn u qaaday dhanka dagaalka Ukraine
____________________________________________________________________________


Talaado: April 26, 2022

 Dawladda Jarmalka ayaa ogolaatay sahayda ilaa konton taangiyada lidka diyaaradaha in ay gayso Ukraine. Arrintan oo loo arko in ay tahay sbeddel siyaasadeed oo weyn.

Baabuurtii hore ee ciidamada Jarmalka, ee loo yaqaan Gepard Flakpanzers, ayaa lagu hayay kaydka tobankii sano ee la soo dhaafay waxaana lagu samayn doonaa casriyeyn farsamo ka hor inta aan loo daabulin ciidamada Ukraine.

Jarmalka ayaa muddo dheer lahaa siyaasad ah in aanu hub culus geynin goobaha ay colaaduhu ka jiraan balse xukuumadda Olaf Scholz ayaa la kulantay dhaleecayn isa soo taraysa oo ku saabsan sida ay uga caga jiidayso in hub culus ay siiso ciidamada Ukraine. Go’aanka Berlin ayaa ku soo beegmaya iyadoo wasiiro ka socda afartan waddan oo isbahaysi la leh NATO ay ku kulmayaan saldhigga ciidamada cirka ee Maraykanka ee Ramstein ee Jarmalka si ay uga wadahadlaan sidii gargaar milateri oo dheeraad ah loo siin lahaa Ukraine.

Xoghayaha Difaaca ee Mareykanka — Lloyd Austin — ayaa sheegay in shirkani uu muujinayo in quruumaha dunidu ay ka midaysan yihiin in ay ka taageeraan Ukraine dagaalka ay kula jirto gardarrada Ruushka. Mar sii horeysayna, wasiirka arrimaha dibadda ee Ruushka ayaa NATO ku eedeeyay in ay ku jirto dagaal wakiilnimo. Sergei Lavrov ayaa sheegay in hubka loo soo dhiibo Ukrain ee laga keeno reer galbeedka uu noqon doono bartilmaameedyo sharci ah.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post