423 Views

Shaqaalaha gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar oo ka cabanaya mushaar la’aan mudo 3 bilood ah

Shaqaalaha gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar oo ka cabanaya mushaar la’aan mudo 3 bilood ah
____________________________________________________________________________

Isniin: AUGUST 22, 2022

Shaqaalaha gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar ayaa ka cabanaya mushaar la’aan in muddo ah, xilli ay soo baxayaan warar sheegaya in maalmaha soo socda madaxweynaha magacaabi doono shaqsigii badali lahaa Guddoomiyaha xilligaan xilka haaya ee Cumar Filish.

xiriiro kala duwan la sameysay shaqaale ka tirsan dowladda hoose ee Xamar, ayaa sheegay in bishaan socota ee Agoosto iyo labadii bil ee ka horeysay aysan jirin wax mashuur ah oo la siiyay shaqaalaha dowladda Hoose marka laga reebo inyar oo kooban ee ka tirsan xafiiska gobolka.

Shaqaale ka tirsan xafiiska Dowladda Hoose ee Xamar oo codsaday in magacyadooda qarino ayaa inoo xaqiijiyay in wax mashuur ah la siin shaqaalaha dowladda Hoose, waxayna intaa raaciyeen in ay ugu daran yihiin shaqaalaha rayidka oo ah kuwo u badan xoogsato iyo kuwa nadaafadda ka shaqeeya.

Sidooo Cabashadaan ay soo dusiyeen shaqaalaha maamulka Gobolka Banaadir ayaa qaarkood waxay ku tilmaameen mid mar walba dhacda marka uu isbadal maamul uu dhici rabo, iyadoo ay ku fasireen inay tahay hanti aruursi dadban.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post