1104 Views

Taliyihii sharci darada ku magacaabay farmaajo oo la wareegay Xilka hay’adda nabad sugida

Taliyihii  sharci darada ku magacaabay farmaajo oo la wareegay Xilka hay’adda nabad sugida
____________________________________________________________________________

Arbaco: September 8, 2021

Taliyaha uu sida KMG ah xalay madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ugu magacaabay hay’adda nabad sugida iyo sirdoonka qaranka Soomaaliyeed Gaashaanle Sare Yaasiin Cabdullaahi Maxamuud ayaa maanta xilka kala wareegay Fahad Yaasiin, kadib munaasabad kooban oo ka dhacday xarunta taliska guud.

Qoraal lagu taabacay barta Twitter-ka ee NISA ayaa lagu sheegay in Yaasiin uu si rasmi ah xilka la wareegay, isaga oo la faray inuu guto waajibaadka shaqo ee igmaday.

“Waxaa Taliska Nabad Sugida & Sirdoonka Qaranka ka dhacday munaasibad uu xilka kula wareegay Taliyaha cusub ee Ku-meel-gaarka ah ee HSNQ, Gaashaanle Sare Yaasiin Cabdullaahi Maxamuud,” ayaa lagu yiri qoraalka kooban ee kasoo baxay taliska NISA.

Sidoo kale warka qoraalka ah ayaa lagu yiri “Waxaan Alle uga rejaynaynaa in uu u fududeeyo masuuliyada culus ee uu Madaxweynaha JFS u igmaday,”

Arrintan ayaa ka dambeysay, kadib markii uu Farmaajo sameeyey magacaabis deg deg, kadib wareegta uu xalay soo saaray, waxaana Gaashaanle Sare Yaasiin Cabdullaahi si KMG ah loogu dhiibay NISA, halka Fahad Yaasiin loo magacaabay la-taliyaha amniga qaranka.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post