807 Views

Wararkii ugu dambeeyay howlgallada ka socda Shabeellaha Hoose

Wararkii ugu dambeeyay howlgallada ka socda Shabeellaha Hoose
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL | August-15-2020–Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgallo Ciidanka dowladda Soomaaliya ay maanta ka waddaan degaanka Kuntuwaarey ee Shabeellaha hoose oo ay kala wareegeen Al-Shabaab.

Ciidamada Xoogga Dalka ee Sida gaarka ah u tababaran ee Danab ayaa howlgal qorsheysan oo ay ka fuliyeen degaanka Kunturwaarey kusoo qabtay 33 ruux oo Carruur ah oo ay sheegeen in Al-Shabaab ay gacanta ku hayaan.

Ciidamada ayaa markii ay la wareegeen gacan ku heynta deegankaasi waxay tageen xerada lagu hayay caruurtaan iyagoo markii soo furteen si nabad ah ugu wareejiyay eheladooda.

Inta Howlgalka ay ciidamadu ku guda jireen ayay heleen xog dheeraad ah oo ku saabsan goobaha ay Al Shabaab ku diyaariyaan Qaraxyada, waxaana halkaas laga qabtay Miinooyin iyo Maadooyin farabadan oo qaraxyada loo adeegsado Sidda ay sheegeen Saraakiisha Ciidanka dowladda.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  ______________________________________________________________.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post