1359 Views

Taliska Ciidamada Xoogga Dalka oo Ciidan geeyay Gobolka Shabeelaha Hoose.

Taliska Ciidamada Xoogga Dalka oo Ciidan geeyay Gobolka Shabeelaha Hoose.
____________________________________________________________________________

Mogadishu | QOL | December 03, 2018 Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed Gen. Daahir Aadan Cilmi Indha-qarshe ayaa ciidamo katirsan Guutada 14-ka Oktoober u diray deegaanada Dhanaane iyo Jilib marka.

Deegaanadaas waxaa dhowaan ka dhacay dagaalo u dhaxeeyay Ciidamada Dowladda iyo Al-Shabaab, waxaana mararka qaar ka qayb qaadanayay Ciidamada AMISOM.

Ciidamada loo diray Gobolka Shabeelaha Hoose gaar ahaan Deegaan Xeebeebka isku xira Muqdisho iyo Marka.

Saraakiisha Miliatariga Soomaaliya ayaa sheegay in Ciidamada la diray ay qaateen tababarka Difaaca Dagaalka, iyaga oo Muddo ku qaatay Xerada General Gordan ee Magaalada Muqdisho.

Bishii 8-aad ee sanadkaan Magaalada Marka iyo deegaanno hoos taga waxaa Al-Shabaab ka qabsaday  Ciidamada Guutada 14ka Oktoobar.

14-kii Oktoober oo Bilo kadib ah Kolkii Ciidamada Marka qabsadeen waxaa Magaalada tagay Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, isaga oo saraakiisha kala hadlay Howlgalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Gudoomiyaha Magaalada Marka Xasan Cumar Macalin ayaa Mustaqbal u sheegay maalmo kahor in Ciidamada Dowladda ay bilaabeen howlgal la isugu furayo Wadada Xeebta ah ee isku xirma Muqdisho iyo Marka.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment