78 Views

Soomaaliya oo diiday dhex-dhexaadin illaa Itoobiya ay ka laabato is-afgaradka

Soomaaliya oo diiday dhex-dhexaadin illaa Itoobiya ay ka laabato is-afgaradka
____________________________________________________________________________

MUQDISHO — Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Khamiistii meesha ka saartay in la dhex-dhexaadiyo ayada iyo Itoobiya illaa Addis-Ababa ay ka laabato is-afgaradka ay la gashay Somaliland.

Xiisadda labada dal ayaa cirka gashay kadib markii dalka aan badda laheyn ee Itoobiya uu is-fagarad la galay Somaliland 1-dii Janaayo, kaasi oo siinaya marin badeed.

Taa beddelkeed, Somaliland — oo si iskeed ah madax-banaani ugu dhowaaqday 1991-kii — ayaa sheegtay in Itoobiya ay siin doonto aqoonsi rasmi ah. Tani ma aysan xaqiijin Addis-Ababa.

“Ma jirto dhex-dhexaadin haddii aysan Itoobiya ka laaban is-afgaradkii sharci-darrada ahaa oo aysan dib u xaqiijin madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed ay soo saartay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya oo la soo dhigay baraha bulshada.

Labada dal ayaa waxaa ka dhexeeya taariikh xiriir oo jahwareersan, waxaana qarnigii 20-aad dhex-maray laba dagaal.

Somaliland ayaa Khamiistii sheegtay in dowladda federaalka ay “si ula kac ah uga baxday dhammaan heshiisyadii ay la gashay Somaliland,” oo ay ku jiraan arrimaha ammaanka iyo marinada hawada.

Bayaanka Somaliland ayaa yimid kadib markii Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya ay sheegtay inay Arbacadii celisay diyaarad ay leedahay shirkadda Ethiopian Airlines oo ku socotay Hargeysa.

Hay’adda Duulista ayaa sidoo kale Khamiistii inay hawada Soomaaliya soo gasho u diiday diyaarad xamuul oo ka timid magaalada Sharjah ee dalka Imaaraadka Carabta, taasi oo ku socota Hargeysa.

.

XIgasho: AFP

.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post