885 Views

Baarlamaanka Puntland oo dib u eegis ku sameynaya Heshiisyadii Shirkadda Dp World

Baarlamaanka Puntland oo dib u eegis ku sameynaya Heshiisyadii Shirkadda Dp World
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL |  June 18, 2020–Guddoonka Baarlamaanka Dowlad goboleedka Puntland ayaa soo bandhigay ajandayaasha kal-fadhga 46aad ee Baarlamaanka Puntland oo ay ku jiraan ajandayaal xasaasi ah oo Xildhibaannada ay ka doodi doonaan.

Ajandayaasha ugu xasaasisan ee ku jira kal-fadhiga 46aad ayaa waxaa kamid ah, Amniga Golaha, la-xisaabtanka Xukuumadda iyo dib u eegis ay Xildhibaannada ku sameynayaan heshiiskii P& Ports ee Shirkadda DP World.

Marka la eego ajandayaasha ku jira kal-fadhiga 4aad ee Golaha wakiilada Puntland ayaa waxaa ugu adag tan ku saabsan la xisaabtanka xukuumadda, iyada oo Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Puntland ay kamid aheyd qodobadii xilka looga qaaday.

Sidoo kale ka doodista heshiiskii P& Ports ee Shirkadda DP World ee laga leeyahay Imaaraadka Carabta in dib u eegis ay Xildhibaannada ku sameeyaan ayaa adkaan doonto maadaama Shirkadda lagu wareejiyay dekadda Boosaaso oo ay maalgashi ku sameyneyso.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa 15-kii Bishaan furay kal-fadhiga 46aad ee Golaha Wakiilada,waxaana horyaalla Shaqooyin dheer oo ay kamid tahay la xisaabtanka xukuumadda Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
__________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post