801 Views

Taliyaha Ciidanka xooga oo gaaray Buulo-Burde

Taliyaha Ciidanka xooga oo gaaray Buulo-Burde
____________________________________________________________________________

Taliyaha Ciidanka xoogga dalka  Soomaaliyeed Jenaraal Odowaa Yuusuf Raage ayaa Maanta gaaray dagmada Buulo-burte ee Gobolka Hiiraan, halkaas oo siweyn loogu soo dhaweeyay.

Garoonka diyaaradaha Buulo-Burde waxaa taliyaha kusoo dhaweeyay taliyaha Qeybta 27aad Janaraal Axmed Maxamed Calasow (Tareedisho) iyo saraakiisha kale ee Ciidamada Walabka sida ee ku sugan degmadaas.

Ujeedka Socdaalka taliyaha ciidanka xoogga dalka ayaa waxaa lagu sheegay ka qeyb galka munaasabadda daahfurka taliska qeybta 27 oo laga dhigay dagmada Buulo-burte ee gobolka Hiiraan.

Taliye Odawaa ayaa waxaa sidoo kale la filayaa in uu kulamo kala duwan la qaato Saraakiisha qeybta 27aad, isaga oo kala hadli diona dardar gelinta howlgallada ka dhan ah Ururka Al-Shabaab oo mararka qaar weeraro ka geysta meelo kamid ah Gobolka Hiiraan.

Shalay degmada Buulo-Burde waxaa gaaray wafdi uu hoggaaminayay Madaxweyne kuxigeenka Hir-Shabeelle, iyaga oo halkaasi ka wada kulamo kala duwan oo ay la qaadanayaan maamulka degmada iyo Odayaasha Dhaqanka.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post