1287 Views

Wasiir Goodax oo Farriin u diray Dugsiyadda waxbarashadda Soomaaliya

Wasiir Goodax oo Farriin u diray Dugsiyadda waxbarashadda Soomaaliya
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL July 27, 2019 —Wasiirka waxbarashada xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdullahi Goodax Barre ayaa maanta magaalada muqdisho ka furay tababarka tababarayaasha macallimiinta Qaranka.

 

Tababarka ayaa loo furay in kabadan 100 macallin oo loogu talagay in ay sii tababaraan macallimiinta iskuullada gobalka Banaadir .

 

 

Tababarka macallimiinta oo socon doona mudo 10 maalmooda ayaa waxaa bixin doona aqoonyahano qibrad dheer u leh tababarka macallimiinta dugsiyada waxana lagu tababari doonaa macallimiinta manhajka ay diyaarisay wasaaradda waxabarashada Hiddaha iyo Tacliinta sare ee Soomaaliya.

 

Wasiirka waxbarashada xukuumadda federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre ayaa sheegay in macallimiinta lagu tababarayo manhajka fasalka koobaad ilaa fasalka sideedaad si manhajka ay diyaarisay wasaaradda waxbarashada Soomaaliya loo gaarsiiyo dalka oo dhan .

 

“Maanta waxaan furay tababarka tababarayaasha macallimiinta Qaranka oo ahmiyad gaar ah u leh horumarinta waxbarashada dalka,Manhajka lagu tababarayo macallimiinta waxa uu qeyb weyn ka qaadanayaa tayada waxbarashada soomaaliyeed, tayado waxbarashada waxa ay ka koobantahay sadax tiir,oo kala ah tiirka koobaad waa macallinka ,tiirka labaad waa manhajka, balse waa in lahelaa kormeer adag oo hubiya si loo ogaado in manhajkii iyo macallinkii ay si wanaagsan iskula taaba qaadeen, dugsikasta iyo hay,ad kasta waxaa qasab ku ah in Fasalka koobaad ilaa fasalka sideedaad in uu isticmaalo manhajka ay diyaarisay wasaaradda waxbarashada” ayuu yiri Wasiir Goodax.

 

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment