831 Views

Wasiirkii Kalluumeysiga iyo Khayraadka Badda Puntland oo is casilay

Wasiirkii Kalluumeysiga iyo Khayraadka Badda Puntland oo is casilay
____________________________________________________________________________

Wasiirkii Kalluumeysiga iyo Khayraadka Badda Puntland, Maxamuud Xaaji Saalax ayaa si rasmiya warqad is casilaad ah ugu gudbiyay Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni.

Warqadda Iscilaaddiisa, ayuu ku sheegay in isaga iyo Madaxweyne Deni ay isku fahmi waayeen Nidaamka shaqo ee Wasaaradda Kalluumeysiga, sidaas darteedna uu xilka isaga casilay.

Sidoo kale Iscasilaadda Wasiir Maxamuud Xaaji Saalax, ayaa loo aanaynaya khilaaf xooggan oo Wasaaradda ka dhex jiray tan iyo markii uu xilka la wareegay, kaas oo la xiriira Arrimaha Maamulka Dhaqaalaha Wasaaraddaas.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post