828 Views

Dowladda Soomaaliya oo war ka soo saartay qiimaha kordhay ee Shidaalka

Dowladda Soomaaliya oo war ka soo saartay qiimaha kordhay ee Shidaalka
____________________________________________________________________________

Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo ka duuleysa Waajibaadka Shaqo Ee Wasaaradda ee ku aadan ilaalinta Tayada Shidaalka iyo Hubinta qiimaha Shidaalka ee Suuqyada Caalamka, iyo jaan-goynta qiimaha Shidaalka soo gala Dalkeenna , iyo dhiira-galinta Ganacsatada keenta Shidaalka nuucyadiisa kala duwan ayaa si dhaw ula socota isbadalka ku yimid qiimaha Shidaalka ee Caalamka.

Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta JFS waxay dadaal galin doontaa la socodka isbadalka iyo qiimo kororka ka jira suuqyadda Caalamiga ah ee uu sababay Dagaalka u dhexeeya Ruusha iyo Ukraine.

Waxaanna ganacsatada Soomaaliyeed ee keenta Shiidaalka Wasaaraddu fareysaa in Dadweynaha Soomaaliyeed ee isticmaala Shidaalka gaar ahaan gaadiidleyda, Shirkadaha Korontada iyo dhammaan qeybaha kala duwan ee bulshada ay si naxariis leh oo ay ku jirto dal jaceyl iyo damqasho ay ula macaamilaan.

Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta JFS waxay ka rajeynsaa Ganacsatada Soomaaliyeed in baaqa Wasaaradda ay u hoggaansamaan, sidoo kale Wasaaradda Waxay kala shaqeyn-doontaa Horumarinta adeegyadda ay bulshada u hayaan si aan ugu baaqsanno Sare u kac iyo koror ku yimaada qiimaha Shidaalka.

Ugu dambeyntii Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta JFS Waxay ugu baaqeysaa Ganacsatada Soo-dejisa Shidaalka iyo Keydka in kulan deg deg ah oo looga arinsanaayo, arimaha taagan ay isugu yimaadaan. Waxaan rajeynaa in aan wadajir ugu shaqeyn-doonna danta guud iyo u adeegidda shacabka.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post