933 Views

RW Kheyre oo la kulmay Wafdi ka yimid Soomaaliland

RW Kheyre oo la kulmay Wafdi ka yimid Soomaaliland
____________________________________________________________________________

Mogadisho  –December 22, 2019 | QOL |   –Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdigii ka yimid Somaliland ee u yimid taakuleynta walaalahooda ay saameeyeen fatahaadaha Wabiyada.

 

Wafdiga oo shalay muqdisho yimid ayaa waxaa ay keeneen lacag dhan $600,000 oo lagu gargaarayo dadka fatahaaduhu saameeyeen,taas oo laga soo aruuriyay qaar ka mid ah Shacabka iyo Culimadda degaanada maamulka Somaliland.

 

 

 

Xubnaha Guddiga ayaa waxaa ay ka mahad celiyeen sida wanaagsan ee loogu soo dhaweeyey Magaalada muqdisho, iyaga oo sheegay inay mar waba diyaar u yihiin garab istaaga dadka ay saameeyeen fatahadaha Wabiya.

 

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa uga mahad celiyey gurmadka ay soo gaarsiiyeen Walaalahooda Soomaaliyeed ee dhibaatada kasoo gaartay fatahadaha kuna amaanay doorka ay qaateen.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________

 

 

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment