642 Views

Jubaland oo gaashaanka u daruurtay inaysan ka qeyb-geli doonin shirka arrimaha doorashada ee ku baaqay farmaajo

Jubaland oo gaashaanka u daruurtay inaysan ka qeyb-geli doonin shirka arrimaha doorashada ee  ku baaqay farmaajo
____________________________________________________________________________

May 1-2021

Maalmo kadib waxaa ka soo jawaabay hadalkii ka soo baxay  Villa Somaliya Maamulka Jubaland ee uu Hogaamiyo axmed Madoobe, waxayna gaashaanka u daruuren in ay ka soo Qeyb galayaan shirka arrimaha doorashada ee uu ku baaqay madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday.

Farmaajo  ayaa habeeno ka hor waxa uu jeediyay khudbad waxa uuna ku sheegay in maanta oo sabti ah uu hor tagayo baarlamanaka,  si uu uga codsado in dib loogu laabto heshiiskii 17-ka September lagana tanaasulo muddo kororsiga.

 wasiirka Warfaafinta ee maamulka Jubaland Cabdi Xuseen Sheekh Maxamed, oo shalay ka qeyb galay barnaamijka doodda Jimcada ee BBC-da, ayaa sheegay inaysan marnaba ka qeyb geleyn shir uu Farmaajo ku baaqay.

“Kama soo qayb galeyno, horayna nooguma yeerin, markii ugu dambeysay ee uu noo yeerayna waa taan diidnay, mana u aqoonsanin inuu madaxweyne yahay, waqtigiisuna wuu dhammaaday, sidii looga soo qeyb galayay ee beesha caalamku noogu wada yeereysay haloo wada yimaado,” ayuu yiri Cabdi Xuseen.

Sidoo kale Mowqifka Jubaland ayaa ah inay ka qeyb-gasho kaliya shir ay abaabulkiisa leedahay beesha caalamka, oo ay u siman yihiin dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada, si la mid ah shirkii Teendhada Afisyoone. 

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post