369 Views

Shirka Wadashiga DF iyo D/goboleedyada oo weli ka socda Muqdisho

Shirka Wadashiga DF iyo D/goboleedyada oo weli ka socda Muqdisho
____________________________________________________________________________

Isniin: SEPTEMBER 12, 2022

Shirka Madasha Wadatashiga Qaran ee Dowladda Federaalka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah ayaa galay maalinta labaad, kaasi oo ka socda Villa Soomaaliya.

Shirkaan oo uu gudoominayay Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa ka qeyb galaya, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Madaxda Maamul Goboleedyada Jubbaland, Galmudug, Hirshabeelle, Koofur Galbeed, halka Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni uu kaga qeyb galay Aaladda Foggaan arraga.

Arrimaha shirkaan looga hadlayo ayaa  waxaa  ay kala yihiin arrimaha amniga gaar ahaan xoojinta dagaalka dhanka ah Al-shabaab, abaaraha ka jira dalka iyo wada shaqeynta Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post