996 Views

Israa’iil oo ku tilmaantay Madaxweynaha la doortay ee Iiraan shaqsi Mayal adag

Israa’iil  oo ku tilmaantay Madaxweynaha la doortay ee Iiraan shaqsi Mayal adag
____________________________________________________________________________

June 20 2021

Israa’iil ayaa sheegtay in beesha caalamka ay tahay inay walaca ka muujiyaan doorashada madaxweynaha la doortay ee Iiraan, Ebrahim Raisi.

Afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda ee Israa’iil, Lior Haiat, ayaa sheegay in Raisi uu yahay madaxweynaa ugu mayalka adag ee Iiraan.

Wuxuu sidoo kale ka digay in hoggaamiyaha cusub uu kordhin doono howlaha nukliyeerka ee Iiraan.

Ebrahim Raisi ayaa lagu dhawaaqay inuu ku guuleystay doorashadii madaxtinnimo ee shalay

Raisi, ayaa oo la caleema saari doono bisha August, waa garsooraha ugu sarreeya Iiraan. Wuxuu ku jiraa liiska dadka uu cunaqabateynta saaray Mareykanka, waxaana loo heystaa dilalka maxaabiis siyaasiyiin ahaa.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post