999 Views

Kulan lagu xalinayo dagaal ka dhacay galbeedka magaalada Beladweyne oo ka socda halkaas.

Kulan lagu xalinayo dagaal ka dhacay galbeedka magaalada Beladweyne oo ka socda halkaas.
____________________________________________________________________________

May 20 2021

Kadib markii uu dhawaan dagaal ku dhexmaray qeybo kamid ah gobolka Hiiraan beelo walaalo ah oo halkaas wada daga ayaa waxaa gobalka ka bilaawday waan waan ay wadaan wafdigii ay dirtay dowladda Soomaaliya.

Kulan lagu xalinayo dagaal beeleedyada ka dhacay galbeedka magaalada Beladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa socdo dadaalo lagu xalinaayo dagaalkaas waxaana qeyb  ka ah wefdigii wasiirada ahaa oo ay dirtay dowladda Soomaaliya.

Kulankaas oo ka dhacay  xarunta maamulka gobolka ayaa waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa  odayaasha labada dhinac ee dagaalka dhaxmaray, iyadoo ay sidoo kale goobta ku sugnaayeen xubno kamid ah maamulka gobolka Hiiraan iyo mas’uuliyiin ka tirsan dowlad goboleedka Hirshabeele.

Kulan kadib ayaa waxaa la filayaa in laga soo saaro go’aano ay ku heshiiyeen labada dhinac ee uu dagaalku dhexmaray kuwaa soo la filayo in la dhaqan geliyo si loo dhameeyo colaadda labada dhinac.

Dagaalkaan u dhaxeeya labada beel ee walaalaha ayaa socday muddo laba todobaad ah waxaana ku dhintay ku dhowaad 20 qof, halka tiro intaas ka badan ay ku dhaawacmeen. Sidoo kale qoysas badan ayaa ka barakacay dagaalka halka guryo iyo dhul beereed lagu gubay.
.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post