876 Views

Dagaal ka socda deegaan ka tirsan Gobolka Galgaduud

Dagaal ka socda deegaan ka tirsan Gobolka Galgaduud
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL | April 5, 2020 –Sida ay sheegayaan wararka ay heleyso Idaacadda Risaala dagaal u dhaxeeya laba maleeshiyo beeleed ayaa waxaa uu ka socdaa deegaanka Bali-Cad oo ku yaalla inta u dhaxeeysa Dhabad iyo Cadaado ee Gobolka Galgaduud.

 

Dagaalka ayaa goobjoogayaal waxaa ay sheegeen in uu salka ku haayao is qabqabsi la xiriira dhinaca dhulalka,kaas oo ahaa mid horey dhowr jeer deegaankaasi uga dhacay.

 

 

 

Wararka ayaa waxaa ay sheegayaan in weli deegaanka BALI-cad uu dagalka ka socda,isla markaana inta la xaqiijiyey ay ku geeriyoodeen laba ruux tiro intaasi ka badana ay ku dhaawacmeen.

 

Maamulka Galmudug weli kama hadlin dagaalka ka socda deegaano ka tirsan Gobolka Galgaduud,waxaana dagaalkaan uu kusoo aadayaa xilli dagaal beeleedyo kale ay ka socdeen duleedka Kismaayo & degmada Walanweyn ee Gobobolka Shabeellaha Hoose.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment