987 Views

SAWIRO:- Banaanbaxyo rabshado wata oo ka bilaawday Beledweyne

SAWIRO:- Banaanbaxyo rabshado wata oo ka bilaawday Beledweyne
____________________________________________________________________________


Muqdisho | QOL | December 4,, 2020 –
Qaar kamid ah dadka ku nool Magaalada Beledweyn ee ayaa bilaabay inay xaafadaha qaar ee Magaalada ka dhigaan dibadbax ay uga soo horjeedaan maamulka Hir-Shabeelle & in uu Cali Guudlaawe tago Magaalada Bledweyne.

Banaanbaxa ayaa waxaa ka horeeyay dagaal dehx-maray Ciidamada Dowladda & Maleeshiyaadka Janeraal  Xuud oo taaageero ka helaya dhalinyaro iska dhex-abaabulay gudaha magaalada Beledweyne, waxaana dagaalka ka dhashay khasaaro kala duwan.

Dadka banaanbaxa dhigaya oo u badan dhalinyaro ayaa waxaa ay dhaxgaan iyo taayaro ku xireen wadoyika laamiga ah ee Xaafadaha Nuur-Xawaad Horseed iyo Xaafado kale, iyaga oo ku dhawaaqaya erayo ka dhan ah Maamulka Cusub ee Hir-Shabeelle.

Dagaalka iyo banaanbaxa ka socda Magaalada Beledweyne ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli Magaalada Beledweyne uu ku sugan yahay Wasiirka Arrimaha gudaha Soomaaliya Janeraal Muqtaar Xuseen Afrax oo halkaasi u tegay xalinta xiisada Beledweyne.


Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post