303 Views

Xarunta xuquuqul-insaanka Somaliland oo cambaareysay sida Somaliland ay ula dhaqantay dadkii bannaan-baxyada dhigayey

Xarunta xuquuqul-insaanka Somaliland oo cambaareysay sida  Somaliland ay ula dhaqantay dadkii bannaan-baxyada dhigayey
____________________________________________________________________________

Isniin: AUGUST 15, 2022

Xarunta xuquuqul-insaanka madax-bannaan ee Somaliland, ayaa cambaareysay sida xukuumadda Somaliland ay ula dhaqantay dadkii bannaan-baxyada dhigayey 11-kii bishan.

Bannaan-baxyo ay ku dhawaaqeen mucaaradka Somaliland, ayaa sababay in ugu yaraan shan qof ay ku dhintaan kuwo kalana ay ku dhaawacmaan, halka qaar kalana ay booliisku xabsiga dhigeen.

Qoraal ka soo baxay xarunta xuquuqul-insaanka madax-bannaan ee Somaliland, ayaa lagu sheegay in booliisku ay adeegsadeen awood xad dhaaf ah, oo ka dhan ah dadka dibad baxayey, oo ay habbooneyn in loo adeegsado dad rayid ah oo aan hubeysnayn.

Waxay xaruntani dalbatay in xabsiyada laga sii daayo dadka siyaasadda u xiran, ee ay ku jiraan laba weriye oo u shaqeynayay talefishin maxalli ah.

.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post