357 Views

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Laftagareen oo lagu soo dhoweeyey Magaalada Muqdisho galabta

Madaxweynaha Koonfur Galbeed   Laftagareen oo lagu soo dhoweeyey Magaalada Muqdisho galabta
____________________________________________________________________________

Sabti: SEPTEMBER 10, 2022

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen iyo Wafdi uu Hogaaminayo ayaa goor dhoweyd gaaray Magaalada Muqdisho ee Caasimada Dalka.

Wafdiga Madaxweynaha uu hogaaminayey waxaa Garoonka Diyaaradaha Aadan Abdule kuso dhoweyey Wasiiro, Xildhibaano ka tirsan Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya, Siyaasiyiin iyo Qeybaha kala duwan Bulshada Caasimadda. 

Madaxweyne Laftagareen ayaa Socdaalkiisa Muqdisho ku qotoma ka qeybgalka Shirka Gollaha Wadatashiga Qaran ee looga hadlayo Xaalada Dalka.

Sidoo kale Magaalada Muqdisho waxaa isla maanta gaaray Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Hirshabelle Axmed Madoobe iyo Cali Guudlaawe.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post