963 Views

Magaalada Gaalkacyo oo laga sameeyay olole nadaafadeed

Magaalada Gaalkacyo oo laga sameeyay olole nadaafadeed
____________________________________________________________________________

Isniin: March 21, 2022

Maamulka  degmada  gaalkacyo  oo  muddooyinkii  u danbeeyay ku  howlanaaa  haggaajinta  bilicda magaalada  gaalkacyo  iyo  ilaalinta  nadaafada bulshada ayaa  bilaabay  qorshe   dib habaynaayo,loogu tala galay  in lagu  gubo  qashinka  laga qaado gudaha magaalada.  kuwaas oo ugu horrayn  maamulka  u gadiyaariyay  duleedka magaalada  Gaalkacyo kadib markii  ay  buuxsameen goobihii  hore.

Guddoomiyaha degmada  Gaalkacyo Cabdiraxmaan  Sheekh  Xasan  Jimcaale  oo  ay wehliyeen   Agaasimaha  waaxda arrimaha  bulshada Daahir  Maxamuud  Cilmi  iyo  Guddoomiyaha  xaafada  howlwadaag  ee  magaalada  gaalkacyo  Mahad Maxamuud  Warsame   Samawade  ayaa  kormeeray   goobahaasi ,iyagoo   intii  ay halkaasi  ku sugnaayeen qiimeeyn ku  sameeyay  qaabka  ugu  haboon  ee  loo  balaarin  karo   goobahaasi  .

Agaasimaha  waaxda arrimaha  bulshada Daahir  Maxamuud  Cilmi  ayaa   kormeerka  ka dib  la  hadlay  warbaahinta  Qaranka , isagoona  ka  warbixiyay   u jeedka  kormeerka   iyo  dadaalka  maamulka   ugu  jiro   haggaajinta  bilicda,isagoona    dhanka  kale  sheegay  in   bulshada  ay ka  codsanayaan   in  lagala  shaqeeyo  maamulka  ilaalinta  Nadaafada.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post