1149 Views

Ciidamada dowladda oo la wareegay tuulooyin dhowr ah

Ciidamada dowladda oo la wareegay tuulooyin dhowr ah
____________________________________________________________________________

Mogadisho  –January 05, 2020—Howlgal ay siwadajir ah uga sameeyeen Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Koonfur Galbeed deegaano ka tirsan gobolka Baay ayaa waxaa ay Al-Shabaab kala wareegeen tuulooyin dhowr ah.

 

Saraakiisha hoggaamineysa howlgalkaas ayaa waxaa ay sheegeen in Ciidamada ay la wareegeen tuulooyin u dhow degmada Diinsoor ee Gobolka Baay,kuwaas oo kala ah,Tugaar Hoos iyo laba Warood.

 

 

 

Taliyaha Ururka 54aad ee Guutada 60-aad Gaashaanle Dhexe Xasan Aadan Yarow oo howlgalka hoggaaminayey ayaa sheegay in u jeedka howlgalka uu ahaa mid la isugu fureyey wadooyinka ay go’doomiyeen Ururka Al-Shabaab.

 

Waxaa uu hoosta ka xariiqay in deegaannada ay la wareegeen xabsiyada ku yaalla ay kasii daayeen dad xoolo Dhaqato ah oo u xir xirnaa Al-Shabaab sida uu hadalka u dhigey.

 

Si kastaba Ciidamada Dowladda iyo kuwa Koonfur Galbeed ayaa horey waxaa howlgallo ay kas ameeyeen degmooyin ka tirsan Gobolada baay iyo Bakool waxaa ay kula wareegeen deegano ay ku sugnaayeen Al-Shabaab.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment