264 Views

Wasaaradaha isgaarsiinta ee dowlad goboleedyada oo sheegay inay joojiyeen wada shaqeyntii kala dhexaysa wasaaradda isgaarsiinta ee Federaalka

Wasaaradaha isgaarsiinta ee dowlad goboleedyada oo sheegay inay joojiyeen wada shaqeyntii kala dhexaysa wasaaradda isgaarsiinta ee Federaalka
____________________________________________________________________________

Khamiis: NOVEMBER 17, 2022

Wasaaradaha boostada, isgaarsiinta iyo tiknooljiyadda ee dowlad goboleedyada Soomaaliya ayaa sheegay inay joojiyeen wada shaqeyntii kala dhexaysa wasaaradda isgaarsiinta iyo tiknoolajiyadda ee dowladda Federaalka, iyagoo ku eedeeyay musuq maasuq, ku tagri fal awoodeed iyo eex.

Waxa ay ku eedeeyeen wasiirka heer federaal inuu dhowr mar baajiyay kulamo loogaga arrinsan lahaa siyaasadaha danta u ah arrimaha isgaarsiinta ee Soomaaliya.

Dowladda Federaalka ayaan weli ka hadal eedeynta loo jeediyay wasaaraddeeda isgaarsiinta.

Hadda Inj Maxamuud Caydiid Dirir waa wasiirka warfaafinta, isgaarsiinta iyo tiknoolajiyadda ee Puntland, kana mid ah wasiiradda soo saaray go’aankaas. Waxa uu iiga warramay waxa ay ka cabanayaan.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post