681 Views

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo kulan la qataay Wakiilka Gaarka ah ee Qaramada Midoobey

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo kulan la qataay Wakiilka Gaarka ah ee Qaramada Midoobey
____________________________________________________________________________

Muqdisho|| QOL| October 23 2021=Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Magaalada Muqdisho kulan kula qaatay Wakiilka Xoghayaha guud Qaramada Midoobey ee Arrimaha Soomaaliya Ambasidor James Swan oo ay wehliyaan Diblomaasiyiin kale.

Kulanka Madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen iyo Ambasidor James Swan oo ahaa mid saacado qaatay waxa ay uga wada hadleen Arrimaha Doorashayoonka,Xaqiijinta Amniga goobaha doorashada lagu qabanaayo iyo sidii wax loogu qaban lahaa dadkii laga soo Musaafuriyey Magaalada Laascanood.

James Swan Wakiilka Xoghayaha Guud Qaramada Midoobay ee Arrimaha Soomaaliya ayaa Madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen ugu mahadceliyey doorka muhiimka ahaa ee uu ka qaatay dhex-dhexaadinta Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’isul Wasare Rooble oo ka heshiiyey qodobadii ay isku khilaafsanayeen, James Swan ayaa dhanka kale Madaxweynha ku bogaadiyey inuu sii dar-dargeliyo Doorashada Xildhibaanada Gollaha Shacabka.

Xafiiska Wararka|Qaranimo Onlin| Muqdisho

____________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post