918 Views

Wadamada Montenegro iyo Serbia oo xaalad adag dhextaalo..

Wadamada Montenegro iyo Serbia oo  xaalad adag dhextaalo..
____________________________________________________________________________

Waxaa cirka isku sii shareeray xiisadda ka dhex taagan wadamada Montenegro iyo Serbia,taas oo hadda mareysay meeshii ugu sarreysay

Wadamada Montenegro iyo Serbia ayaa midba midka kala soo baxay safiiradooda, sabab laxariirta muran Taariikhi ah oo Labada dal u dhaxeeyay in ka badan Hal Qarni.

Safiirka dalka Serbia u fadhiya Montenegro Vladimir Bozovic, ayaa arrintan ku qeexay in ay xiriir la leedahay go’aan ay masuuliyiinta Montenegro qaateen sanadki markuu ahaa 1918-kii, oo ay kula Midoobayaan Serbia oo ay ka xoroobeen.

Safiirka ayaa isagana lagu eedeeyay in faragalin uu ku sameeyay arrimaha gudaha ee Montenegro waxaana loo qabtay in uu dalka kaga baxo 72 saacadood oo ka dhigan Saddex maalmood.

Sidoo kale safiirka dalka Montenegro u fadhiyo wadanka Serbia ayaa loo qabtay in mudo kooban uu dalka kaga baxo.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post