1206 Views

Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya Oo Gaaray Koonfur Afrika Iyo Ujeedka Oo La Shaaciyay

Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya Oo Gaaray Koonfur Afrika Iyo Ujeedka Oo La Shaaciyay
____________________________________________________________________________

Mogadishu | QOL | February 19, 2019–Wasiirka waxbarashada Xukuumada federaalka Soomaaliya Mudane C/laahi Goodax Barre oo socdaalkiisa ay ku wehliyaan xubno ay ka mid yihiin Gudoomiyaha Jaamacada Ummada Prf Axmed Jimcaale ayaa waxaa magaalada Cape Town kusoo dhaweeyay madaxda Safaarada iyo Xubno ka socday Jaaliyada Soomaalida ee magaalada Cape Town.

Socdaalka Wasiirka oo ah martiqaad  rasmi ah oo uu ka helay dhigiisa dalka Koonfur Africa ayaa waxaa inta uu joogo la qaadan doono kulamo Wasaarada waxbarashada sare iyo tababarada kuwaa oo looga hadlayo dhameystirka heshiis is afgarad ahaa oo u dhaxeeyay labada wasaaradood iyo sidii loo xoojin lahaa xariirka waxbarashada ee labada wadan.

Waxaa sido kale wasiirka iyo wafdiga la socda ay booqon doonaan qaar ka mid ah Jaamacadaha ugu waa weyn ee dalkaan Koonfur Africa ee ku kala yaala magaalooyinka Cape Town,Johannesburg,iyo magaalada Pretoria ee caasimada Dalka Koonfur Africa,

Wasiirka ayaa sido kale kulamo la qaadan doona jaaliyada Soomaalida ee magaalooyinka Johannesburg iyo magaalada Cape Town.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment