840 Views

Siyaasadda Shiinaha ee lagu xaddidayo dhalmada carruurta u dhalaneysa bulshada Muslimiinta

Siyaasadda Shiinaha ee lagu xaddidayo dhalmada carruurta u dhalaneysa bulshada Muslimiinta
____________________________________________________________________________

June 9 2021

Siyaasadda Shiinaha ee lagu xaddidayo dhalmada, waxaa suuragal ah in saddex meelood meel ka mid ah, lagu yareeyo carruurta u dhalaneysa bulshada Muslimiinta ee Uyghur, labada sano ee soo socota.

Arrintan waxaa lagu sheegay warbixin cusub oo uu sameeyay cilmibaare u dhashay waddanka Jarmalka.

Falanqaynta waxaa lagu ogaaday in siyaasadda gobolkaas ay dhimmi karto carruurta u dhalan laheyd qowmiyaddaasi, mudadaas labada sano ah. Bulshada Muslimiinta ah waa kuwo laga tiro badan yahay waxaana carruurta u dhalata sannad kasta lagu qiyaasaa inta u dhaxaysa 2.6 illaa 4.5 milyan.

Qaar ka mid ah wadammada reer Galbeedka waxa ay Shiinaha ku eedeeyeen inuu dabargoyn ka gaystay gobolka ay Muslimiinta ku badan yihiin ee Xinjiang. Xasuuqaas wuxuu qeyb ahaan ku yimi tallaabooyin si khasab ah loogu xaddidayo dhalmada.

Shiinaha ayaa iska fogeeyay eedahaasi, waxa uuna sheegay in hoos u dhaca heerka dhalmada ay arrimo kale la xiriirto.

Daraasaddan cusub, oo uu sameeyay cilmibaare Adrian Zenz, ayaa ah middii ugu horraysay nooceeda oo akadeemi ahaan loogu eegay saamaynta mudada fog ay ku yeelan karto howlgalka Shiinaha ee dhanka ah Muslimiinta Uyghur-ka iyo kooxaha kale ee laga tirada badan yahay ee gobolka Xinjiang.

Daraasadda waxaa lagu ogaaday in siyaasadda lagu xaddidayo dhalmada ee Shiinaha ee gobolkaasi, ay ku jirto in bulshada qowmiyadaha laga tirada badan yahay ee ku nool gobolka koonfurta ku yaal ee Xinjiang ay gaarto inta u dhaxaysa 8.6 iyo 10.5 milyan wixii loo gaaro 2040.

Tiradaas waxay ka yar tahay 13.1 milyan oo markii hore ay saadaaliyeen cilmibaarayaasha Shiinaha ka hor inta aanay maamulka Beijing howlgalka halkaas bilaabin.

“Cilmibaaristan iyo falanqaynteeduba waxa ay dhab ahaantii muujinaysaa ujeedka laga leeyahay qorshaha fog ee ay dowladda Shiinaha u dajisay bulshada Uyghur-ka,” waxaa sidaa yiri Mr Zenz oo la hadlay wakaaladda wararka ee Reuters, taas oo markii hore ka warrantay daraasadda.

Warbixintiisa ayuu Mr Zenz ku qoray waxaa lagu sheegay in 2019 ay mas’uuliyiinta Xinjiang “qorsheeyeen in ugu yaraan 80% haweenka carruur dhali kara ee ku nool baadiyaha koonfureed, kuwaas oo ku nool afar deegaan, waxaa lagu bartilmaameedsado qalliino dhalmada joojinaya”.

Hoos u dhac wayn

 

Khubarada ayaa rumaysan in Shiinaha ay gobolka Xinjiang ugu xiran yihiin ugu yaraan hal milyan oo Uyghur iyo Muslimiin kalaba ah, dowladduna waxa ay wajahaysaa eedo ah in ay iskudayayso inay dhinto tirada bulshada Muslimiinta ah ee laga tirada badan yahay ee halkaasi ku nool.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in mas’uuliyiinta ay si ulakac ah ay dad qowmiyadda Han uga soo rareen goobo kale oo ay soo dajiyeen gobolka Xinjiang, halkaas oo markii hore ay ku badnaayeen qowmiyado laga tira badan yahay. Sidoo kale Muslimiinta Uyghurs-ka ayaa si khasab ah looga raray guryahooda.

\

Sida lagu sheegay daraasadda Mr Zenz, siyaasadaha lagu xaddido dhalmada ee Shiinaha waxaa suuragal ah inay bulshada Han ee ku nool koonfurta Xinjiang – halkaas oo ah goobta lagu hayo bulshada Uyghur-ka – sare uga qaaddo heerka hadda ay joogaan ee ah 8.4% oo la gaarsiiyo qiyaastii 25% wixii loo gaaro 2040.

Sida ku cad shaxda istatistikada ee ay soo saareen saraakiisha Shiinaha, 48.7% ayey hoos u dhacday heerka dhalmada ee deegaannada bulshada laga tirada badan yahay ee ku nool Xinjiang, mudadii u dhaxaysay 2017 illaa 2019.

Shiinaha ayaa toddobaadkii tegay ku dhawaaqay inuu lamaanaha u ogolaan doono inay dhalaan illaa saddex carruur ah, kaddib markii tirakoob la sameeyay uu muujiyay in heerka dhalmada qaranka ay aad hoos ugu dhacday.

Hasayeeshee dikumintiyo iyo markhaatikac la dusiyay oo laga helay Xinjiang waxa ay muujinayaan in siyaasad middaas ka duwan in halkaas laga dhaqangelinayo, iyadoo haweenka la xirayo amaba lagu ciqaabo in ay ka gudbeen qoondadii dhalmada ee loo ogolaa.

Warbixin hore oo uu daabacay Mr Zenz waxaa lagu saleeyay xog laga helay gobolka, dikumintiyo ay shuruucdan ku qoran yihiin iyo markhaatikac lagu sheegay in haweenka xaamilada ah ee Uyghur-ka ee ku sugan Xinjiang, loogu hanjabo xabsi haddii ay diidaan inay uurka iska soo ridaan, halka kuwa kale iyagoon raali aan ka ahayn lagu xiray qalab amaba si khasab ah loogu sameeyay qalliin dhalmada xaddidaya.

Shiinaha ayaa iska diiday inuu sameeyay wax iskuday ah oo uu si gaar ah ugu yaraynayo bulshada Uyghur-ka, iyadoo ay dowladda ku doodday in hoos u dhaca heerka dhalmada ee qowmiyadaha laga tirada badan yahay ee Xinjiang ay ku timid fulinta qoondada guud ee dhalmada ee gobolkaas iyo sidoo kale iyadoo ay sare u kacday galaangalka ay u yeesheen dawooyinka dhalmada kala dheereeya.

“Waxan loogu yeeray ‘xasuuqa’ ka dhacay Xinjiang waa maalaa yacni cad,” sida ay sheegtay wasaaradda Arrimahada Dibadda ee Shiinaha oo la hadashay wakaaladda wararka ee Reuters.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post