975 Views

Xisbiga raii’sal wasaaraha Hindiya Narendra Modi oo ku guuldareystay doorashada gobol muhiim ah oo ku yaala dalkaasi

Xisbiga raii’sal wasaaraha Hindiya Narendra Modi oo ku guuldareystay doorashada gobol muhiim ah oo ku yaala dalkaasi
____________________________________________________________________________

May 3-2021

Xisbiga raii’sal wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ku guuldareystay doorashada gobol muhiim ah oo ku yaala dalkaasi, iyadoo ay dhanka kale sare u sii kacayaan dhimashada iyo kiisaska xanuunka Corona Virus ee Hindiya.

Xisbiga haya talada dalka ayaa bartilmaamedsanayay gobolka Galbeedka Bengal xiligii uu socday ololaha doorashada, balse natiijada doorashada ayaa muujinaysa in uu jab weyn halkaa kala kulmay, waxaana mar kale la doortay haweeney si adag u dhaliisha raiisal wasaare Modi.

Tobankii maalmood ee la soo dhaafay, Hindiya ayaa diiwaangelisay in ka badan 300,000 oo kiis maalintiiba.

Axadii shalay ahayna, dalkaas waxa uu diiwaangeliyay dhimashadii ugu badneyd, waxaana cudurka u geeriyooday 3,689 oo qof.

Cisbitaallada ayaa waxaa buuxsamay sariiraha bukaanka, halka oksijiinta ay gabaabsi tahay. Shacabka Hindiya ayaa baraha bulshada u adeegsaday inay gargaar ka codsadaan gudaha iyo dibedda dalka.

Khubarada ayaa sheegaya in isu soo baxyada ololaha doorashada iyo codeynta ay qeyb weyn ka qaateen faafidda cudurka.

Ra’iisal wasaare Modi iyo wasiirkiisa arimaha gudaha ee marar badan khudbado u jeediyay dadweynaha Galbeedka Bengal, waxaana mas’uuliyiintaas lagu eedeeyay inay doorashada ka doorbideen xakameynta cudurka.

Office Nairobi  Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post