1071 Views

Dowladda oo amar hor leh kusoo rogtay Diyaaradaha u duulaya Kismaayo

____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | September- 22-2019 —Sidda ay sheegayaan Wararka naga soo gaaraya Hey’adda duulista Rayidka Soomaaliyeed SCAA Amaro hor leh ayay Hay’addo kusoo rogtay Diyaaraddaha Aadaya Garoonka diyaaraddaha ee Magaalada Kismaayo.

Hay’adda ayaa ka dalbatay Diyaaraddaha aadaya Kismaayo inay soo weydiisato Xafiiska Hey’adda fasax duulimaad 24 saac ka hor, sidaas darteed waxaa lagu wargeliyay shirkad kasta fasaxii ay ugu duuli laheyd Kismaayo, si aan looga joojin duulimaadka.

Amarkaan Cusub ayaa kasoo baxay Hay’adda oo horay ugu amartay diyaaradaha Aadaya Kismaayo in ay soo maraan Garoonka Muqdisho.

Maalmihii ugu dambeeyay degaanada maamulka Jubbaland waxaa ka taagnaa walaac xooggan oo ka dhashay cunaqabateynta dowladda Soomaaliya ay saartay Garoonka Kismaayo.

Amarkaan cusub ayaa kusoo beegmay Xilli wafuuda kala duwan lagu waddo in ay la qeyb galaan  caleema saarka Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe, iyadoo horay dowladda Federaalka u shaacisay in aanay aqoonsaneyn doorashadii ka dhacday Kismaayo.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment