732 Views

Qarax khasaaro geystay oo ka dhacay Masjid kuyaal Afganistan

Qarax khasaaro geystay oo ka dhacay Masjid kuyaal Afganistan
____________________________________________________________________________

Muqdisho|| QOL| October 15 2021=Ugu yaraan toddoba qof ayaa dhimatay in ka badanna waa ay dhaawacmeen ka dib markii qarax uu ka dhacay gudaha masaajidka shiicada ee magaalada Kandahar ee koonfurta Afghanistan, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta iyo hoggaamiyeyaasha gobollada.

Qaraxa oo dhacay Maanta oo  Jimce ayaa ka dhacay masaajidka Biibi Fatima, oo ah masaajidka ugu weyn ee ay ku cibaadeystaan Shiicada ee magaalada Kandahar.

Afhayeenka wasaaradda arrimaha gudaha  Afganistan Qari Sayed Khosti ayaa bartiisa Twitter -ka ku yiri: “Waan ka xunahay inaan maqalno in qarax uu ka dhacay masaajid ay ku jiraan walaalaha shiicada oo ku yaal degmada koowaad ee magaalada Qandahaar halkaasoo ay ku shahiideen kuna dhaawacmeen tiro ka mid ah dadka aan isku dalka nahay.”

Ciidamada gaarka ah ee Daalibaan ayaa gaaray aagga  qaraxa uu ka dhacay si ay u ogaadaan sida ay wax u dhaceen iyo in sharciga la horkeeno dambiilayaasha”, ayuu raaciyay.

Goobjooge ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee AFP inuu maqlay saddex qarax, mid ka mid ah albaabka weyn ee masjidka, mid kalena uu ka dhacay aagga koonfureed, iyo kan saddexaad uu ka dhacay  qeybta weeysada ee masjidka.


Xafiiska Wararka|Qaranimo Onlin| Muqdisho

____________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post