762 Views

Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed oo si geesnimo leh uga hortagay weeraro ay maleeshiyada Al-Shabaab damacsanaayeen

Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed oo  si geesnimo leh uga hortagay weeraro ay maleeshiyada Al-Shabaab damacsanaayeen
____________________________________________________________________________

Axad: November 14, 2021

Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa si geesnimo leh uga hortagay weeraro ay maleeshiyada Al-Shabaab damacsanaayeen in ay ku soo qaadaan difaaca ciidamada ee duleedka magaalada Xudur ee xarunta gobolka Bakool.

Ciidamada xoogga dalka, guutada 9-aad, qeybta 60-aad ee gobolka Bakool ayaa khasaaro xooggan gaarsiiyay argagixisada oo isku dayay in ay arbushaad ka sameeyaan magaalada Xudur.

Taliyaha guutada, 9-aad ee ciidamada xoogga dalka Cali Ibraahim Isaaq Habad ayaa sheegay in maleeshiyada Al-Shabaab isku dayday in ay weerar ku soo qaato magaalada Xudur, kuwaas oo ciidamada ay kaga hortageen duleedka,islamarkaana halkaas ku dilay 5-ka tirsan maleeshiyada oo labo ka mid ah meydkooda ay soo qaadeen ciidamada xoogga.

Taliye Cali Xabad ayaa sheegay in cadowga jab xooggan la gaarsiiyay, wuxuuna tallaabadan ku tilmaamay mid loogu aargudayay shacab aan waxba galabsan oo nabad-diidka xoolihii ay wateen iyo igaba miino ay wadada u dhigeen ku baaba’ay.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post