1110 Views

War deg deg ah: Hey’adda Nabad sugidda Qaranka oo sheegtay in Ikraan Tahliil ay dileen Al-shabaab

War deg deg ah: Hey’adda Nabad sugidda Qaranka oo  sheegtay in  Ikraan Tahliil  ay dileen Al-shabaab
____________________________________________________________________________

.


Khamiis: September 2, 2021

Hey’adda Nabad sugidda iyo sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa war ka soo saartay kiiska gabadhii la weysanaa ee Ikraan Tahliil Faarax, oo u gacan gashay dhagar qabayaasha Al-Shabaab oo markii dambe dilay, sida ay xogtani sheegeyso.

Hoos ka akhriso warbixinta NISA

Ujeeddo: Warbixin iyo Tacsi.

Ikraan Tahliil Faarax oo ahayd xubin ka tirsan Hay’adda Sirdoonka iyo
Nabadsugidda Qaranka ayaa warkeeda la waysanaa ilaa 26/6/2021.
HSNQ dabagal ay samaysay oo muddo socday kadib, ayaa lagu helay warbixin
muujinaysa in ay u gacan gashay Argagixisada arxan laawayaasha ah ee Al-Shabaab, kadibna ay dileen.

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ayaa gal-baariseedka kiiska Ikraan oo faah-faahsan ku wareejisay Hay’adaha ay khuseyso. Waxaa sidoo kale ay Hay’adda Sirdoonka Qaranku la wadaagtay warbixintan Qoyskeeda.
HSNQ ayaa uga tacsiyeynaysa qoyska, ehelada, iyo dhammaan xubnaha Hey’adda, falka foosha xun oo ay argagaxisada Alshabab ku dileen Marxuumad Shahiid Ikraan Tahliil. Ilaahay Ha u naxariisto.

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ayaa ku daba jirta dhagar qabayaashii geystay falkaas arxan darrada ah, sharciga ayaana la hor keeni doonaa Insha Allaah.
INAA LILAAHI WA INAA ILAYHI RAAJICUUN.

Xigasho Radiomuqdisho.net

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post