672 Views

Ciidamada Konfurgalbeed oo Qarax Xoogan lagula eegtay degmada Waajid.

Ciidamada Konfurgalbeed oo Qarax Xoogan lagula eegtay  degmada Waajid.
____________________________________________________________________________

7-da Marso 2021

Wararka ka imaanaya gobolka Bakool ayaa sheegaya in Alshabaab ay halkaas Qarax xoogan kula eegteen ciidamo ka tirsan kuwa milatariga dowladda Soomaaliya.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxan uu ahaa midka la dhigo wadada ee laga hago Rimuudka, waxaana lagula eegtay qeybo ka mid ah degmada Waajid oo ka tirsan gobolkaasi oo dhaca Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Wararka ayaa sheegaya in ugu yaraan saddex askari ay halkaas  ku dhintay weerarkan qaraxa ah, iyada oo ay ku dhaawacmeen askar kale, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo dadka deegaanka ah.

Sidoo kale ciidamada la qarxiyey ayaa lagu soo warramayaa inay iyaguna fureen rasaas, lamana oga khasaaraha ka dhashay rasaastaasi.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post