960 Views

Xoghayaha dhaqanka, UK Oliver Dowden, oo sheegay inuu ku biiray dadka aadka uga caraysan in uu sii socdo European Super League.

Xoghayaha dhaqanka, UK Oliver Dowden, oo  sheegay inuu ku biiray dadka aadka uga caraysan in uu sii socdo  European Super League.
____________________________________________________________________________

April 19-2021

Dowladda UK ayaa sheegtay in ay qaadi doonto tallaaba kasta oo looga hortagaya horyaalka “gooni u goosadka ah” ee European Super League, kaa soo ay kamid yihiin lix naadi oo ka dhisan Ingiriiska.

Xoghayaha dhaqanka, Oliver Dowden, ayaa sheegay inuu ku biiray dadka aadka uga caraysan qorshaha European Super League.

Horyaalkan cusub ayaa yeelan doona 20 kooxood, waxaana sanad kasta ku soo biiri doono 5 kooxood oo bedalaya kuwa ka haray. Waxa uu dhici doonaa bartamaha todobaadka oo hadda la ciyaaro Champions League-ga.

Taageerayaasha iyo dadka ka faalooda ciyaaraha ayaa sheegay in horyaalka cusub uu noqon doono mid cadaalad darro ah oo meesha ka saaraya kooxo badan

Ku dhawaad 200 oo ah taageerayaasha kubadda cagta ayaa isugu soo baxay afaafka hore ee garoonka Elland Road ee kooxda Leeds United, si ay u muujiyaan walaaca ay ka qaabaan European Super League.

Amiir William oo hadda ah madaxa Football Association ayaa bartiisa Twitter ku qoray in xilligan loo baahan yahay in la ilaaliyo bulshada kubadda cagta, si ay u sii jiraan qiyamka tartanka iyo cadaaladnimada.

Arsenal, Chelsea, Liverpool, Manchester City, Manchester United iyo Tottenham ayaa sheegay inay qeyb ka yihiin qorshaha European Super League.

Waxaa kula jira Atletico Madrid, Real Madrid iyo Barcelona oo Spain ka dhisan iyo AC Milan, Juventus iyo Inter Milano o Talyaaniga ka socda.

Qoraal uu u diray aqalka Commons-ka, ayaa Dowden waxa uu ku dhaliilay kooxaha loogu yeero “lixda waaweyn” oo uu ku eedeeyay inay hareer mareen qiyamka kubadda cagta.

Dowden ayaa sheegay in arintan uu kala hadlay xiriirrada Uefa iyo Football Association, labaduna ay diiddan yihiin tallaabada ay qaadeen 12-ka kooxood.

“Waxaan sameyn doonaa wax kasta oo aan uga hortageyno inuu hirgalo qorshahan,” ayuu Dowden u sheegay xildhibaannada.

12-ka kooxood ee ku heshiiyay qorshaha European Super League ayaa sheegay in cudurka safmarka ah uu “xoojiyay xasillooni la’aanta dhaqaale ee haysata kooxaha Yurub”.

Ra’iisal wasaare Boris Johnson ayaa sheegay in xukuumaddiisa ay ka hortegi doonto qorshaha iyo in uusan ku hirgelin nooca hadda loo soo bandhigay.

Xafiiska Downing Street ayaa sheegay in xukuumadda ay ka fekerayso qorshayaal kala duwan oo uu kamid yahay hannaanka ka jira Jarmalka ee ah in taageerayaasha ay noqdaan milkiilayaasha kooxaha iyo in meesha laga saaro lacagaha deymaha ah ee lagu taageero naadiyada xilligan uu jiro Fayraska Korona.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post