345 Views

Mareykanka oo cambaareeyay duqeymihii uu Ruushka ka gesytay caasimadda Kyiv ee Ukraine

Mareykanka oo cambaareeyay duqeymihii uu Ruushka ka gesytay caasimadda Kyiv  ee  Ukraine
____________________________________________________________________________

Talaado: OCTOBER 11, 2022

Waxaa si weyn loo cambaareeyay Ruushka kadib markii duqeymo dhowr ah ka geystay magaalooyin dhowr ah oo ku yaalla Ukraine.

Meelaha uu Ruushka duqeeyay waxaa kamid ah magaalada caasimadda ah ee Kyiv.

Mareykanka ayaa sheegay in weerarrada “arxan-darrada ah” lala beegsaday goobo aan saldhig milateri ahayn, oo ay ku jiraan jaamacad iyo garoon ay carruurtu ku dheelaan, wuxuuna ballan-qaaday gargaar milateri oo dheeri ah.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey Antonio Guterres ayaa sheegay in si weyn uu uga naxay duqeymaha Ruushka.

Vladimir Putin wuxuu sheegay in weeraraada ay ahaayeen kuwa aargoosi ah kadib qaraxii Sabtidii lala eegtay buundada isku xirta Crimea iyo Ruushka.

Ukraine waxay sheegtay in 83 gantaallo ah lagu garaacay halkaas inkasta oo ay sheegeen inay soo rideen in ka badan 43 gantaal.

Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky wuxuu sheegay in “Ukraine aan loo handadi karin balse ay ka go’antahay xoojinta midnimada”.

Ugu yaraan 14 qof ayaa ku dhimatay halka tiro dad ahna ay ku dhaawacmeen, sida ay sheegeen saraakiisha.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post