1749 Views

Cajiib: Nin labadiisa Waalid u dacweeyay arrin yaab leh

Cajiib: Nin labadiisa Waalid u dacweeyay arrin yaab leh
____________________________________________________________________________

Mogadishu | QOL | February 8, 2019 –Nin 27 jir ah oo Hindiya u dhashay ayaa qorsheynaya in uu maxkamad geeyo labadiisa waalid, sababtuna waxa ay tahay in aysan isaga ogolaansho weeydiinin markii ay dhalayeen.

Waa ganacsade ku nool magaalada Mumbai, magaciisuna yahay Raphael Samuel, waxa uu sheegay in ay qalad tahay in ilmo adduunka la keeno, kadibna noloshiisa inta ka dhiman uu dhibaato ku dhamaysto.

Waa uu fahamsanyahay in aysan suurtogal ahayn in aanan aragti la weeydiin karin qof aanan adduunka imaanin, balse waxa uu ku adkaysanayaa “go’aankeena ma ahan in aan dhalano”.

Tallaabada noocan oo kale ah waxa ay khilaaf ka dhex dhalin kartaa qoys kasta, balse qoyskiisa waxa ay u egtahay in arrintan ay ka dhigayaan qaab maad iyo kaftan ah.

Qoraal ay soo saartay hooyadiis Kavita Karnad Samuel ayay ku sheegtay in ay ku bogaadinayso wiilkeeda in uu maxkamad geeyo, isaga oo og in labadooduba ay yihiin garyaqaano.

Samuel ayaa maxkamadda ka codsanaya in ay u xukunto magdhow ay waalidkiisa siiyaan.

Fikradda ninkan waxa ay salka ku haysaa aragti falsafadeed oo sheegaysa in nolosha ay tahay mid dhibaato badan, sidaasi darteedna la’iskaba dhaafo.

“Ma jirto wax faa’iido ah oo ku jirta nolosha, dad badan ayaa dhibaateysan, haddii bini’aadamka laga dhamayn lahaa adduunka, ciidda iyo xayawaankaba waxa ay noqon lahaayeen kuwa faraxsan”.

Waxa uu abuurey bog Facebook ah oo uu afkaarihiisa ku faafiyo, iyo sawiraddiisa isaga oo gashan gar maskaraato ka samaysan.

Dad badan ayaa ka dhiibtay aragtiyo, waxayna qaar kula taliyeen in uu isaga is dilo marka hore.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment