774 Views

Beesha caalamka oo soo dhawaysay shirkii shalay ka dhacay Hotel Decale

Beesha caalamka oo soo dhawaysay shirkii shalay ka dhacay Hotel Decale
____________________________________________________________________________

2da Maarso, 2021

Beesha caalamka ayaa soo dhaweysay wada hadallada socda ee ay yeelanayaan Dowladda Soomaaliya iyo Midowga musharaxiinta madaxweynaha kaas oo markii labaad shalay la isku arkay.

Beesha Caalamka waxey dowladda Federaalka iyo Dowladaha xubnaha ka ah ay isugu yimaadaan shirkii la sugayay ee arrimaha doorashada iyadoo la fulinayo heshiiskii 17-kii September 2020 lagu gaaray Muqdisho, lana eegaayo soo jeedintii ay guddiga farsamada ee 15-ka iyo 16-ka February ku shiray magaalada Baydhaba.

Dowladda Federaalka iyo Midowga musharaxiinta waxey fadhiyadooda labada ah ku gaareen go’aamo muhiim ah, sida in wadajir loo qabto dibadbax nabadeed oo dhaca sabtida 6-da Maarso, sidoo kalana la xulay guddi labada dhinac ah oo ka shaqeeya arrinkaas.

https://ccc007e6294f58134239b49edb3e9682.safeframe.googlesyndication.com/safeframe/1-0-37/html/container.html .

Beesha caalamka kama hadlin qoraalka kasoo baxay aqalka Madaxtooyada, mana jirto cid soo hadal qaaday oo ka hadashay, iyadoo taas badalkeeda ay beesha caalamka bogaadisay wixii kasoo baxay wajiga labaad ee shirkii Hotel Decale.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA BEESHA CAALAMKA:

“Saxiibada Soomaaliya, waxay soo dhoweynayaan sii socoshada wadahadalada 1dii Maarso ee u dhaxeeyay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo Golaha Musharaxiinta Madaxweynaha. Kadib shirkii guusha kusoo dhammaaday ee 25kii Febraayo, saaxiibadu waxay ka codsanayaan Ra’iisul Wasaaraha iyo Golaha Murashaxiinta Madaxweynaha inay ku tallaabsadaan horumar hor leh.

Waxaan sidoo kale ku boorineynaa madaxda DFS iyo DGXF inay qabtaan shir-madexeedkii la qorsheeyay maalmaha soo socda si loo xaqiijiyo qorsheyaasha fulinta ee heshiiskii 17kii Sebtember, loona soo gabagabeeyo dib u eegista soo-jeedintii Guddiga Farsamada ee 16kii Febraayo si geedi-socodka doorashada uu u bilaawdo iyadoo aanay jirin dib u dhac dambe.” https://www.facebook.com/plugins/like.php?href=https%3A%2F%2Fwww.facebook.com%2Fcaasimadda&width=67&layout=button&action=like&size=large&share=false&height=65&appId=1638407442842626

Xafiiska Wararka Qaranimo Online

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post