1101 Views

Ciidamada Dowladda oo bilaabay howlgal wado furis ah

Ciidamada Dowladda oo bilaabay howlgal wado furis ah
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | November 07, 2019–-Ciidanka Xoogga dalka ee deegaanada koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa wada Qorshayaal kala duwan kuwaas Al Shabaab looga saarayo deegaanada ay ku sugan yihiin Gobolada dalka Soomaaliya.

 

Ciidanka ayaa diyaar garoow waxaa ay ugu jiraan sidii loo furi lahaa jidadka xiran ee gobolada Bay, Bakool iyo Shabeellahaha hoose,sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan Ciidanka dowladda iyo kuwa Koonfur Galbeed.

 

Jeneraal Cabdiraxmaan Maxamed Cismaan Timacade Taliyaha Qeybta 60-aad ee Ciidanka Xoogga dalka oo ku sugan magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay  oo la hadlay Warbaahinta Dowladda ayaa sheegay in ciidanku diyaar garow buuxa u galay sidii Ak-Shabaab uga saari lahaayeen deegaannada ay gacanta ku hayaan.

 

Taliyaha ayaa dhanka kale waxaa uu tilmaamay in gobolka Shabeellaha hoose dhawaan laga bilaabi doono howgal safbalaaran ah kaas oo ah mid horay loo sii qorsheeyey.

 

Hadalka Taliyaha qeybta 60-aad ayaa ku soo aadaya iyadoo shalay in ka badan 400 oo askari kana mid ah Ciidanka Xoogga dalka tababar loogu soo gabagabeeyey magaalada Baydhabo waxaana munaasabadii xiritaanka ka qeyb galay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Cabdicasiis Laftagareen.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment