774 Views

Cristiano Ronaldo oo ku eedeeyay tifaftiraha wargeyska France Football inuu ka sheegay been

____________________________________________________________________________

Talaado: November 30, 202

Cristiano Ronaldo ayaa ku eedeeyay tifaftiraha wargeyska France Football inuu ka sheegay been kaddib markii uu ku andacooday in laacibkan reer Portaqiis hammigiisa ugu weyn uu yahay inuu ciyaaraha ka fariisto marka uu helo abaalmarinta Ballons d’Or oo ka badan kuwa uu heysto Lionel Messi.

Pascal Ferre oo ka mid ah qabanqaabiyeyaasha billadda Ballon d’Or ayaa hadalkaas u sheegay wargeyska New York Times.

“Mar walba waxaan guusha u qaataa nafteyda iyo kooxda aan matalayo,” ayuu yiri xiddigga kooxda Manchester United oo ka carooday arrintan.

Messi oo u ciyaara kooxda Paris St-Germain ayaa xalay markii toddobaad ku guuleystay abaalmarinta Ballon d’Or, halka Ronaldo oo lix jeer heysta uu soo galay kaalinta lixaad.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post