771 Views

Guddoomiyaha G/Shabeellaha Hoose oo Guddi u saaray Colaada Walanweyn

Guddoomiyaha G/Shabeellaha Hoose oo Guddi u saaray Colaada Walanweyn
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | January 09, 2021—Guddoomiyaha Gobolka Shabellaha Hoose Cabdiqaadir Maxamed Nuur Siidii ayaa magacaabay Guddi xaqiiqo raadin ah oo ka tirsan maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose Gogol xaarna u ah Nabadda degmada Wanlaweyn.

Guddigaan oo uu Magacaabay gudoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa guddoomiye looga dhigay Yaasiin Maxame Bahsiir halka guddoomiye kuxigeen looga dhigay Cabdirisaq xasan Gaaboow.

Xubnaha guddiga oo ka kooban laba Xubnood ayaa dhawaan tegi doona degmada walanweyn, waxaana Shaqadooda ay tahay inay gogol Nabadeed u dhigaan beelaha dagaalamay,waxaana la faray inay gutaan waajibaadkooda shaqo.

Degmada Walanweyn ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa kusoo laab laabtay Colaad beeleedyada, iyada oo coladaas ay saameysay dadka ku nool degmada walanweyn iyo degaanka yaaq-Bariweyne iyo degaano kale.

xafiiska Wararka Qaranimo Online |
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post