483 Views

Sheekh Shariif oo kulamo la qaatay Cali Guudlaawe & Laftagareen

Sheekh Shariif oo kulamo la qaatay Cali Guudlaawe & Laftagareen
____________________________________________________________________________


Khamiis: May 12, 202

Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa Magaalada Muqdisho kula kulmay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya haatanna ka mid ah Musharixiinta madaxweynaha Sheekh Shariif Sheekh Axmed. 

Mas’uuliyiinta waxaa ay kulankooda kaga hadleen xaaladaha guud ee dalka, iyo dhameystirka doorashooyinka dalka oo heerkii ugu dambeesay maraysa.

Sidoo kale, dhinacyada waxaa ay ka wada hadleen doorashada Madaxweynaha Soomaaliya taas oo la filayo inay dalka ka dhacdo 15-ka bishaan May oo ay ka harsan tahay Saddex maalin qura, waxaana ay ifafaalo wanaagsan ka muujiyeen sida ay u qabsoomi doonto.

Ugu dambeyn, Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe ayaa Musharax Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed ku booriyay dadaalkiisa la xiriira u tartamida xilka Madaxweynaha, isagoo u rajeeyay guul.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen  isna dhankiisa waxaa uu kulan la qaatay Madaxweyne hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Labada Mas’uul waxaa ay kulankooda diirada ku saareyn Xaalada dalka iyo Arimaha Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post