225 Views

Midawga Yurub oo cunaqabatay ku soo rogay saraakiisha booliska ee qaabilsan dhinaca anshaxa ee Iran iyo Wasiirka warfaafinta ee dalkaas

Midawga Yurub oo  cunaqabatay ku soo rogay saraakiisha booliska ee qaabilsan dhinaca anshaxa ee Iran iyo Wasiirka warfaafinta ee dalkaas
____________________________________________________________________________

Talaado: OCTOBER 18, 2022

 Midawga Yurub ayaa Isniintii cunaqabatay ku soo rogay saraakiisha booliska ee qaabilsan dhinaca anshaxa ee Iran iyo wasiirka warfaafinta ee dalkaas, habkii ay u maareeyeen mudaharaadada ka socda dalkaas ee looga soo horjeedo dhimashada, gabadh ta’yar oo ay xabsiga dhigeen ciidamada booliska ee qaabilsan dhinaca anshaxa, iyaga oo ku eedeeyey gabadhaasi inay dabooli wayday timaheeda ama ay xijaabka ku qarin weyday.

27-ka waddan ee ka uu ka kooban yahay ururka Midawga Yurub ayaa isku raacay inay xayiraan hantida 11 qof oo u dhashay dalka Iran oo ay ku jiraan laba sarkaal oo ka tirsan ciidanka booliska, iyo wasiirka warfaafinta Issa Zarepour. Wasiirka warfaafinta ayaa lagu eedeeyey inuu hawada ka saaray internetka ka dib markii ay bilaabmeen mudaharaadadu. Masuuliyiintan ayaa laga mamnuucay inay u safraan Yurub.

Wasiirada arrimaha debedda ee Yurub oo kulan ku yeeshay Luxembourg ayaa sidoo kale bartilmaameedsaday masuuliyiin ka tirsan ciidamada dhaqangelinta shuruucda iyo dhawr sarkaal oo boolis ah oo Iyana lagu eedeeyey inay si arxan darro ah ula dhaqmeen mudaharaadayaasha.

Mudaharaadada oo soo bilawday badhtamihii bishii September ayaa ka dhashay, ka dib markii la xidhay Mahsa Amini oo 22 jir ah, ka dibna ay ku dhimatay xabsiga. Sidoo kale waxaa la dilay tobanaan ka mida mudaharaadayaasha.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post