471 Views

Degaanka Wad ee Gobolka Galgaduud oo laga hirgeliyay Ceel

Degaanka Wad ee Gobolka Galgaduud oo laga hirgeliyay Ceel
____________________________________________________________________________

Axad: April 10, 2022

Wasiirka tamarta iyo biyaha Galmudug Maxamud Cabdi Axmed iyo Guddoomiyaha Degmada Cadaado Cabdullaahi cabdiraxmaan ”Tootole” ayaa si wada jir ah u xarigga uga jaray Ceel laga hirgaliyay degaanka Wad ee Gobolka Galgaduud, kaas oo ka mid ahaa degaannada ay biyo la’aantu ka jirtay, abaartuna sameysay sanadihii lasoo dhaafay.

Labo bil kahor ayaa lagu baahiyay Warbaahinta Qaranka warbixin ka hadlaysay baahida biyo la’aaneed ee ka jirtay deeganka, waxaana markiiba ka soo jawaabay Dad muxsiniin ah oo hirgaliyay ceelka, maadaama deegaanku ay ka jirtay baahi dhanka biyaha ah.

Dadka degeanka Wad ee Gobolka Galgaduud ayaa ka codsaday Mamulka Galmudug iyo Dowladda Soomaaliya in loo dhameystiro dhismaha Ceelka oo hada biya keenay oo kaliya.

Guddoomiyaha Degmada Cadaado Cabdullaahi Cabdiraxman ”Tootole” ayaa sheegay in ceelkan ay ka faa’iideysan doonaan dadka deegaanka oo baahi weyn u qabay helidda biyo.

Wasiirka tamarta iyo biyaha Galmudug Maxamud Cabdi Axmed ”Kaarshe” ayaa sheegay inay ku dadaalayaan sidii loo dhameystiri lahaa waxyaabaha ka dhiman Ceelka.

Office Nairoibi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post