3159 Views

“Odayaasha reer Hiiraan intooda badan waxay isku raaceen in Jowhar la tago”

“Odayaasha reer Hiiraan intooda badan waxay isku raaceen in Jowhar la tago”
____________________________________________________________________________

Muqdisho,28 March 2016:Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed), Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan ayaa sheegay in inta badan odayaasha gobolka Hiiraan ay isku raaceen in la tago magaalada Jowhar, halkaasoo ay taallo gogosha maamul u sameynta labada gobol.

Gudoomiyaha ayaa sheegay inay geed dheer iyo geed gaaban u fuuli doonaan, sidii odayaasha kale ee maqan ay u qancin lahaayeen, wixii ay tabanayaan ka daaweeyaan.

“Odayaasha reer Hiiraan intooda badan waa isku raaceen, wixii dowladda ka wada hadleen waa ka heshiiyeen, labada gobol maamulkooda in la dhiso, Jowhar in la tago oo gogosha ay taalo, halkaas ayay odayaasha wax ku qeybin doonaan, dowladduna ay fududeyneyso”ayuu yiri Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan.

Waxaa uu sheegay in isaga dowladda u xil saartay in wixii dhiman la dhameystiro, isla markaana dadka wax tabanaya ee reer Hiiraan iyaga iyo dowladda u kala dab-qaado.

“Si gaar ah aniga ayay dowladda ii xil saartay wixii dhiman aan ka soo dhameystiro Gobolka Hiiraan, dadka wax tabanaya ee reer Hiiraan dowladda iyo iyaga aan u kala dab-qaado, kamana daali doono, geed dheer iyo geed gaaban ayaa u fuuli doonaan sidii aan u qancin laheyn”ayuu yiri Guddoomiye Dabageed.

Duubabka dhaqanka Gobolka Hiiraan intooda badan, ayaa shalay aqbalay inay tagayaan magaalada Jowhar, kadib markii ay heshiis la gaareen dowladda, waxaana saddex Ugaas oo uu ka mid yahay Ugaas Xasan Ugaas Khaliif ay diideen heshiiskaas, isla markaana diiday in aanay tagi doonin Jowhar.

Madaxda dowladda iyo xubno ka tirsan Golaha Wasiirada ayaa muddooyinkii u dambeeyay dadaal ku bixinayay, sidii odayaasha dhaqanka Gobolka Hiiraan loogu qancin lahaa ka qeyb galka shirka Jowhar, waxaana ugu dambeyn lagu guuleystay in la kala fur furo odayaashii isku mowqifka ahaa, kuwaasoo badankood sheegay inay tagayaan magaalada Jowhar, halka qaar kalena ay diideen.

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment